istanbul —
Afar qof oo hor leh oo Soomaali ah ayaa lasoo saarey maydkooda 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii ay ku dhinteen dhul gariirkii Isniintii ka dhacay dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa wali wadda dadaallada ay kusoo saarayaan maydadka ku hoos jira guryaha dumay.
Waxaa adag xaaladda dalkaasi, waxaana dhimashada la sheegayaa inay dhaaftey dhowr iyo tobon Kun, halka marka lagu daro dalka Suuriya ay tahay dhimashada in ka badan 21 kun oo qof.
Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka teleefoonka xaaladihii ugu dambeeyey ka warystay, Dr. Cabdicasiis Maxamuud oo gudoomiyaha SOMAIYAD, waxuu haystaa shahaadada PhD, oo uu ku takhasusey taariikhda iyo culuumta Islaam-ka.
Your browser doesn’t support HTML5