43 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Talyaaniga

Deadly migrants boat accident off Italy coast

Afartan iyo saddex qof ayaa dhintay, halka 80 kale ay ka badbaadeen markii doon ay la socdeen tahriibayaal ay ku burburtay meel u dhow xeebaha koonfurta Talyaaniga subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah, sida ay sheegeen booliiska iyo ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Burburka doontan ayaa ka dhacay meel u dhow Steccato di Cutro, oo ah goob loo dalxiis tago oo ku taalla xeebta bari ee Calabria.

"Hadda, wadarta guud ee nolosha lagu helay waa 80-ka qof - kuwaas oo qaarkood ay u suurtagashay in ay xeebta soo gaaraan kadib markii ay doonidu degtay - 43-qof oo mayd ah ayaa laga helay xeebta," ayay ciidamada ilaalada xeebaha ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Doonta ayaa waxaa la socday ilaa 120 qof, waxaana ay ku dhacday dhagxaan "meel dhowr mitir u jirta xeebta," ayay yiraahdeen ilaalada xeebaha, iyagoo intaas ku daray in weli ay socoto baadi-goobka dad kale oo ay dhici karto inay badbaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa muujisay sida ay uga xun yihiin dhacdadan dhimashada badan dhalisay, waxayna wacad ku martay inay joojin doonto socdaalka tahriibka ah, si looga hortago in dad badan ay ku dhintaan badda.

Reuters.