73 muhaajiriin ah oo lagu la'yahay xeebaha Liibiya

Ugu yaraan 73 tahriibayaal ah ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay, waxaana loo malaynayaa in ay dhinteen kadib markii ay dooni kula degtay xeebaha Liibiya Talaadadii, sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Liibiya Arbacadii.

7 qof ayaa kasoo badbaaday doonta degtay, oo ay saarnaayeen ku dhawaad 80 qof, kuwaas oo la sheegay inay ka soo ambabaxeen deegaanka Qasr Alkayar, ee bariga Tripoli, iyada oo kusii jeeday Yurub, sida ay sheegtay IOM.

Ilaa hadda, 11 qof oo meyd ah ayaa waxaa soo saaray bisha cas ee Liibiya iyo booliiska deegaanka, halka toddobada qof ee badbaaday ay ku jiraan isbitaal, sida ay tiri IOM.

Liibiya ayaa aheyd marinka ugu weyn ee tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Yurub iyaga oo mara marin khatar ah oo saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ah.