Muxuu yahay mustaqbalka Macawiisleyda kadib dagaalka Al-Shabaab?

Macawiisley

Maleeshiyaadka qabaa’ilka ee loo yaqaan “Macawiisley” ayaa cudud ciidan oo lama filaan ah u noqday dagaalka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka qabaa’ilku waxay si adag ula dagaallameen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo sabab u noqday in laga saaro dhul gaaraya boqollaal KM.

Arrintaasi waxay dhiirri-gelisay in beelo kale ay sameeyaan abaabul dhexdooda ah, si ay u abuuraan ciidan cusub oo Macawiisley ah, si gulufka ay dowladdu waddo qeyb uga noqdaan. Qorshahaas waxaa bud-dhig u ah siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega Galmudug iyo HirShabeelle.

Billowgii maleeshiyada Macawiisley

Ciidamada beelaha ee loo yaqaanno Macwiisley ayaa waxay markii ugu horreysay sanadkii 2014-kii ka abuurmeen inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kadib markii Al-Shabaab ay cadaadis saareen dadka xoola-dhaqatada ah.

Labada dhinac ayaa tan iyo wixii xilligaasi ka dembeeyay uu dhex-marayay dagaallo qaraar oo sabab u noqday in uu soo kala gaaro khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah dagaalladii dhex-maray Al-Shabaab iyo Macwiisley oo bishii October 2018-kii ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa lagu dilay labadii hoggaamiye ee laf-dhabrta u ahaa ciidamadii beelaha ee kooxdaasi kula dagaallamayay Shabeellaha Dhexe, Hibaad Cali Dasar iyo Nuur Cali Junbur.

Dagaal kale oo dhammaadkii bishii September ee sanadkii 2022-kii ka dhacay deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay Nabadoon Cilmi Hagar Guure, oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee sida weyn u abaabulayay ciidamada Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan.

Muxuu yahay hadafka Macwiisleydu ee dagaalka Al-Shabaab?

Ciidamada qabaa’ilku “Macwiisley’ laguma aas-aasin aragti weyn oo siyaasadeed marka laga reebo cadaadis dadka xoola-dhaqatada ah ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, mana jirin hadaf weyn oo siyaasi ah oo ay ka lahaayeen dagaalkooda. Laakiin, waxaa gacanta beelaha dagaallamaya galay hub xooggan oo ay iibsadeen taas oo ay dadka qaar ka muujinayaan walaac xooggan halka uu ku dembeyn doono, marka uu soo dhamaado dagaalka dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

Fallanqeeyeyaasha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba “in haddii aan qorshe laga yeelan” arrintaasi ay abuuri karto mustaqbalka caqabad xagga amniga ah oo u baahnaan doonta in lala tacaalo, loona baahanyahay in dowladdu ay kasii taxadarto, sida uu VOA-da u sheegay Cumar Yuusuf oo ah bare Cilmiga siyaasadda ka dhiga qaar kamid ah Jaamacadaha Muqdisho.

“Hubka xooggan ee ku jira gacanta ciidamada beelaha ee loo yaqaanno Macawiisley waa mid labo af leh, haddii loo helo qorshe iyo istaraatiijiyad maleeshiyadaas tirada badan lagu qarameeynayo, waxay iila muuqataa in laga nabad-geli doono, haddiise qorshe iyo nidaam lagu qarameeyo aan la helin waa lama huraan in beelahu ay iyagu isku jeestaan,” ayuu yiri Cumar Yuusuf.

Muhiimadda Macawiisley ee dagaalka Al-Shabaab

Marka laga yimaado walaaca laga muujinaya hubka baaxadda leh ee galaya gacanta ciidamada qabaa’ilka oo ay iyagu iibsadeen, haddana kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay muujineysaa in dowladdu u baahantahay in ay ka bar-bar dagaallamaan, sida uu qeexaya Cumar Cabdi Jimcaale oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku sifeyn karaa in Macawiisley aheyd laf-dhabarka guulahii waa weynaa ee laga soo hooyay dagaaladii sanadkan iyo sanadkii horeba ka dhacay maamullada HirShabeelle iyo Galmudug. Macawiisley waa shacabkii oo dagaallamaya, taas marka waxa aay ka dhigan tahay in Macawiisley aheyd, walina tahay shacabkii oo dowladda ka barbar dagaallamaya, macquulna ma aheyn in dowladdu guula soo hoyso la’aantood,” ayuu ku dooday Cumar Jimcaale.

Qaar kamid ah dadka taxliiliya siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa qaba, in haddii dagaalka Macwiisley laga ilaaliyo siyaasadeyn uusan hadda uga dhex muuqan halis weyn oo dhib ku noqon karta amniga dalka, sida uu mar kale VOA-da u sheegay Cumar Cabdi Jimcaale.

“Caadiyan, Macawisley maahan koox u abaabulan qaab siyaasi ah oo leh hadaf ka baxsan in al-Shabaab iska xoreeyaan. Hubka aay wataan waa hubkii aay hore u haysteen. Taasi macnaheedu waa in Macawisley, nafsad ahaanteed, wax khatar amni ah Soomaaliya u keeni karin. Balse khatarta jirta, haddana muuqata ayaa ah in siyaasiyiin dano gaar ah leh uga faa’iideystaan ahdaaftooda gaarka ah, iyadoo laga yaabo in aay u habar-wacdaan Macawiisley ku qabiil ah, taas oo qatar amni dhalin karto, dowladana looga baahanyahay in aay ka baaraan dagto,” ayuu yiri Cumar Jimcaale.

Macwiisleyda Soomaaliya iyo kooxahii Saxwaadka Ciraaq

Dhammaadkii sanadkii 2006-dii waxaa gobollada ay ku badan yihiin dadka Sunniyiinta ah ee waddanka Ciraaq laga abaabulay qabaa’ilka oo laga horgeeyay kooxdii Al-Qaacida oo ku awood badneyd dhulkooda, waxaana taageero siinayay dowladda Ciraaq oo garab ka heleysa Mareykanka.

Dhaq-dhaqaaqan oo loo yaqaannay “Saxwaad” ayaa waxay Al-Qaacida kula dagaallameen dhul ballaaran oo ay kamid yihiin Al-Anbaar, Diyaali, Salaaxu-diin iyo deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen Al-Qaacida, waxayna guud ahaan kala wareegeen deegannadaasi oo ay muddo haysteen.

Dagaallamayaashii Saxwaadka oo u dhexeeyay 80 illaa 100 kun oo askari, waxaa ka bar-bar dagaallamayay ciidamada dowladda.

Marka dhacdadaan lala bar-bar dhigo Soomaaliya, ma jirtaa isku ekaashiyo iyo kala duwanaan u dhexeysa Saxwaadkii Ciraaq iyo Mcawiisleyda Soomaaliya? Waxaa su’aashan weydiinay Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ah cimi-baare iyo fallanqeeye ka faallooda ururrada Islaamiga ah ee hubeysan.

“Waa la is-bar-bar dhigi karaa Macwiisleyda Soomaaliya iyo Saxwaadkii Ciraaq. tusaale, Macwiisley waa beelihii oo dagaallamaya, dowladdiina waa la socotaa oo way is-kaashanayaan, waana si la mid ah wixii Ciraaq ka jiray. Beelahu waxay yaqaannaan dhulka, xogta ayey sidoo kale ku heli karaan si fudud, waxay garanayaan dhulka biyaha leh iyo meelaha oomanaha ah. Dadka reer miyiga ah waa kuwa aan daalin oo dagaalyahanno ah,” ayuu qoraa Cabdiraxmaan Sahal u sheegay VOA.

Waxa uu intaas ku daray “dowladdu waa in ay farsamo ahaanna taageerto, lana socoto, hadhowna waa in lagu kala daro ciidamada, hase-ahaatee, waa in aysan noqon kuwa hadhow meel cidlo ah looga tegay, waayo halis ayey noqon karaan. Hoggaanka Macwiisleydu waa in ay yeelataa dowladda dhexe.”

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer la weydiiyay mustaqbalka Macwiisley ayaa waxay sheegeen in kuwii daneynayana lagu dari doono ciidamada dalka, halka kuwii raba in ay xoolahooda dhaqdaanna ay hubka iska dhigi doonaan.

Si kastaba, maleeshiyaadka beelaha ee qaatay hubka waxaa muhiim ah in loo helo qorshe qaran oo ku aaddan sidii laga yeeli lahaa dagaalka Al-Shabaab kadib, haddiiba lagu guuleysto in kooxda Al-Qaacida ku xiran laga adkaado.