Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay soo jeedin ka timid ergo dhexdhexaadin ka gashay murankii qabashada doorashooyinka Somaliland, sidaasi waxaa laga soo xigtay ergada dhexdhexaadinta.
Go’aanka ergada ayey horey u aqbaleen xisbiyada mucaaradka Somaliland.
Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi ayaa isna ka codsaday shir guddoonka golayaasha guurtida iyo wakiilada inay soo jeedinta ergada waafajiyaan xeerarka doorashooyinka.
Ergada dhexdhexaadinta ayaa soo jeediyey in 13-ka November ee sannadka dambe la wada qabto doorashooyinka madaxtinnimada iyo xibsiyada, iyadoo saddexda urur ee haatan jira ay ka qaybgalayaan doorashada madaxtinnimada ee soo socota.
Faahfaahinta warkan waxa Hargaysa ka soo diray weriyahayaga Khadar Maxamed Cakule.
Your browser doesn’t support HTML5