Muxuu dhaqaalaha Ruushka u kobcayaa xilli ay jiraan xayiraadaha Reer Galbeedka?

Dekeadda Vladivostok ee Russia, Sept. 5, 2022.

Tan iyo markii uu Ruushku ku duulay dalka Ukraine laba sano ka hor, xulafada reer galbeedku waxay isu bahaysteen inay taageeraan Ukraine oo ay go'doomiyaan Ruushka.

Marka laga soo tago caawimada Ukraine iyo magangalinta qoxootiga, wadamada reer galbeedku waxay qaadeen tallaabooyin degdeg ah oo ay kaga jawaabayeen gardarrada Ruushka, taas oo keentay in laba sano ka hor hoos u dhac xooggani ku yimaado dhaqaalaha Ruushka.

Balse sannadkii hore ee 2023, dhaqaalaha Ruushku wuxuu muujiyay soo kabasho aan cago adag ku taagnayn, sanadkanna waxa muuqda koror dhaqaale sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa arrimahaasi iyo siday ay u suurto galeen ka waraysatay Prof, Xuseen Axmed Warsame oo bare ka ah Jaamacadda Calgary ee dalka Canada, kuna takhasusay dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamiga ah.

Your browser doesn’t support HTML5

Muxuu dhaqaalaha Ruushka u kobcayaa xilli ay jiraan xayiraadaha Reer Galbeedka?