Kooxda Paris St Germain ayaa tababarihii hore ee Barcelona iyo xulka Spain Luis Enrique u magacawday macalinkooda cusub, iyada oo la gashay heshiis labo sano ah, kadib markii kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ay kala tageen Christophe Galtier horraantii Arbacada.
Enrique ayaa xilli ciyaareedkii 2014-15 ku hoggaamiyay Barcelona seddex koob halka uu Spain ku hogaamiyay semi-finalka koobka qaramada Yurub 2020.
Waxa uu ka tagay xulka qaranka kadib markii ay isaga hareen koobka adduunka 2022 ee wareega 16-ka.
Waxa uu shaqo la’aan ahaa tan iyo intii aanu u saxeexin PSG heshiis ilaa 2025 ah, waxana uu isla markiiba dareemay culayska ah in uu ku guulaysto champions League oo ah koob ay ku sari weysay kooxda reer France.
Reuters.