Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Arbacadii sheegay in Kenya aysan ku guuldarreysan doonin bixinta deymaha lagu leeyahay, ayna qorsheyneyso inay sare u qaaddo qaadista canshuur uruurinta labada sano ee soo socota.
Xukuumadda Ruto, oo xilka la wareegtay bishii Sebtembar ee sannadkii hore, ayaa ballanqaaday inay xakamayso amaahda ganacsiga ee mamnuuca ah, iyada oo door bidaysa ilo jaban, sida Bangiga Adduunka, si loo yareeyo cadaadiska deynta.
Deynta guud ee dalka ku yaalla bariga Afrika ayaa sare u kacday intii lagu jiray olole dhismaha kaabayaal dhaqaalaha ah oo uu hoggaaminayay madaxweynihii ka horreeyay Ruto ee Uhuru Kenyatta, taasoo keentay digniino kasoo baxay hay'adaha qiimeynta dhaqaalaha iyo deymaha.
“Dalkayagu kama dib dhici doono bixinta deymaha, aniga ayaa diin damaanad qaadaya inaan kasoo baxno waajibaadk ina saaran" ayuu Ruto ku yiri wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay warbaahinta Kenya.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay hiigsaneyso 24-ka bilood ee soo socda inay aruuriso 1 tiriliyan oo shilin oo dheeri ah una dhiganta ($8.11 bilyan), wuxuuna ku celceliyay in la dhimayo 300 oo bilyan oo shilinka amaah ah sannad miisaaniyadeedkan soo socoda illaa dhammaadka bisha June.
Reuters