Netanyahu oo eryay wasiirkiisii difaaca

Netanyahu iyo Yoav Gallant.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadi shalay ceyriyay wasiirkiisii gaanshaandhigga Yoav Gallant, tallaabadaas oo dad badan yaab ku noqotay, xilli Israel ay ku jirto dagaal dhinacyo badan leh guud ahaan gobolka.

Go’aanka xil ka qaadista Gallant ayaa markiiba ka kiciyay gudaha Israel dibadbaxyo, gaar ahaan bartamaha Tel Aviv oo uu ka dhacay bannaanbixii ugu weynaa.

Netanyahu iyo Gallant ayaa si aad ah ugu kala aragti duwanaa dagaalka Gaza. Hase yeeshee, Netanyahu ayaa eryidda wasiirka awoodda lahaa ku aadiyey Talaadadi shalay oo ay indhaha caalamka ku jiheysnaayeen doorashada muhiimka ah ee madaxtinimada Mareykanka.

Israel Katz, oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda, kana mid ah dadka sida aadka ah daacadda ugu ah Netanyahu ayaa lagu baddalay Gallant.

Katz ayaa u mahad-celiyay Netanyahu isla markaana ballan qaaday in uu hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah “cadawga Israel.”