Netanyahu oo ku hanjabay in uu ka aargudan doono weerarkii Iran

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta Iran ay sameeyeen "khalad weyn" markii ay weerar ballaaran oo gantaala ah ay ku qaadeen dalkiisa Talaadadii shalay, isagoo ku goodiyay inay ka shalayn doonaan.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa dilkii Israel ee hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah ee todobaadkii hore iyo sidoo kale geeridii hoggaamiyihii Xamas Ismail Haniyeh, oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Tehran, oo Iran ay ku eedeysay Israel.

Warbixin ay VOA-da ka qortay wararkii ugu dambeeyay ee Xiisadda Bariga Dhexe waxaa inoo soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.

Your browser doesn’t support HTML5

Netanyahu oo ku hanjabay in uu ka aargudan doono weerarkii Iran