Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in 19 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay ka fulisay deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkan uu ka dhacay goob ay isugu yimaadeen xubnaha Shabaabka ah, oo NISA ay sheegtay in ay si dhaw ula socatay dhaq-dhaqaaqooda.
“Goobta uu howlgalka ka dhacay ee la beegsaday ayaa ilaa iyo Afar mar waxaa kacay dab xoogan, taasi oo muujinaysa in halkaas lagu gubay qaraxyo iyo saanad kale oo hub ah,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’adda.
Waa weerarkii labaad oo wax ka yar toddobaad gudihiisa ay hay’addu sheegto in lagu dilay xubno Shabaab ah. Axaddii, NISA ayaa sheegtay in illaa 27 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay howlgal socday 12-saacad oo ka dhacay agagaarka isla deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Bayaan ay hay’addu soo saartay xilligaas ayay ku sheegtay in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan uu dhacay xilli ay maleeshiyada isku diyaarinayeen dhibaateynta shacabka.
Hase yeeshee, isla maalinkaas, ayey kooxda Al-Shabaab iyana weerar hoobiyeyaal ah la beegsatay xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, weerarkaas oo ay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan Midowga Afrika mid kalena lagu dhaawacay.
Muqdisho —