Koox gooni u goosad ah oo ka dagaalanta gobolka aan xasillooneyn ee koonfur-galbeed Pakistan ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar lagu dilay toddoba qof oo rakaab ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Ciidamada ammaanka Pakistan ayaa muddo dheer dagaal kula jiray kacdoonno qowmiyadeed iyo gooni u goosad ah oo ka socda gobolka Balochistan—oo ah dhul sabool ah, balse hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah—kaasoo xuduud la leh Afghanistan iyo Iran.
Weerarada ayaa si aad ah u kordhay sanadihii dambe, gaar ahaan kuwa lagu beegsanayo shaqaalaha ka soo jeeda gobolka Punjab, oo ah kan ugu dadka badan uguna koboca wanaagsan Pakistan, islamarkaana ah xudunta ugu weyn ee qorista ciidamada dalka.
Kooxda gooni u goosadka ah ee Ciidamada Xoreynta Baloch ama Baloch Liberation Army (BLA) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii fiidkii Talaadada dhacay, iyagoo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa “ciidamada Pakistan iyo hay’adaha sirdoonka.”
“BLA waxay sheeganaysaa mas’uuliyadda hawlgalkan waxayna digniin u direysaa dhammaan wakiilada ciidanka cadowga,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda.
Hase yeeshee, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda maxalliga ah, Saadat Hussain, ayaa Arbacadii u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in toddoba shaqaale oo ka soo jeeda Punjab la toogtay ka dib markii taayarada baska ay saarnaayeen la qarxiyay, lagana dejiyay gaariga.
Kooxo ay ka mid yihiin BLA ayaa wada kacdoon hubeysan oo ay kaga dalbanayaan is-maamul u gaar ah gobolka Balochistan, oo ah gobolka ugu weyn Pakistan balse leh tirada ugu yar ee dadka.
Jabhadda gooni u goosadka ah ee Baloch waxay ku andacoonaysaa in kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka laga faa'iidaysanayo iyada oo dadka deegaanka ay ka helayaan faa'iido yar, halka hantida laga helo lagu maalgaliyo meel ka baxsan gobolka.
Sida laga soo xigtay tirakoob ay sameysay wakaaladda wararka ee AFP, ugu yaraan 68 qof ayaa sanadkan lagu dilay weeraro ka dhacay Pakistan, badankoodana waxay ahaayeen askar lagu beegsaday weeraro ay fuliyeen kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda dowladda.
Sanadkii hore wuxuu noqday kii ugu dhimashada badnaa tobankii sano ee lasoo dhaafay ee Pakistan, iyadoo weeraradu ay sare u kaceen, taasoo keentay in in ka badan 1,600 qof la dilo, sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka Amniga ee fadhigeedu yahay Islamabad.
Inta badan rabshadaha kooxaha hubeysan waxay ka dhacaan gobollada galbeed ee Pakistan, kuwaasoo xuduud la leh Afghanistan iyo Iran.