Puntland oo eedeyn culus u jeedisay DFS iyo jawaabta dowladda

Puntland vs Dowladda

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dhaqaalo ku bixinayso in ay burburiso deganaashaha gobolka.

Labada dhinac ayaa waxaa muddo u dhaxeeyey khilaaf xooggan, oo sababay in ay hakanto wada-shaqeyntii, marar bandanna hadallo kulul ay isku mariyaan warbaahinta.

Warbiixntan waxaa Garoowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta eedeynta Puntland

Dhinaca kale, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmana Yuusuf Al-Caddaala ayaa beeniyay eedo maamulka Puntland uu u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo beryhan safar shaqo ku joogay dalkan Mareykanka ayaa nagu soo booqday Istudiyaha VOA-da ee magaalada Washington.

Maxamed Cabdi Xassan oo wareysigan la yeeshay al-Cadaalla ayaa weydiiyay su’aalo, isagoo ka jawaabay eedda ay Puntland u soo jeedisay dowladda Soomaaliya.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Al-Cadaala