Puntland: Qoysas u guuray miyiga sabab caafimaad darteed

Boosaaso

Qoysas ku noolaa qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ayaa u digarogtay deegaanada Miyiga, kuwaas oo noqday reer guuraa noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha.

Tallaabada ay qaadeen qoysaskan ayaa timid kadib markii dunida uu ka dillaacay cudurka COVID-19, si uga nabadgalaan aafada cudurkaas dunida halakeeyey.

Waxay qoysaskaasi aaminsan yihiin inay nolosha miyiga kaga nabadgelayaan faafitaanka cudurka COVID-19.

Weriyaha VOA, Faadumo Yaasiin Jamac oo la kulantay qoys ka mid ah kuwa nolosha cusub ka sameystay miyiga ayaa warbixintan kasoo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Puntland: Qoysas u guuray miyiga sabab caafimaad darteed