Muqdisho —
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa xiray goobahooda ganacsiga kadib markii ay lasoo deristey cabsi xooggan oo ka timid qaraxyo loo geystey goobo ganacsi oo lagu xirey kaamirooyinka amniga.
Ganacsato la hadlay VOA ayaa sheegay in xubno ka mid ah laamaha amniga ay ku amreen inay xirtaan kaamiradaha CCTV. Balse waxay dhinaca kale sheegeen inay hanjabaado uga imanayaan dad la tuhunsan yahay inay ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Sahra Cabdi Axmed ayaa la hadashey ganacsatada ka cabanaya arrinkan, waxayna ka diyaarisay warbixintan.
Your browser doesn’t support HTML5