Qaar ka mid ah qodobadii wax ka beddelka dastuurka oo laga laabtay

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa loo qaybiyay wax ka bedelka kama dambaysta ah ee lagu sameeyay 4 cutub oo ka mid ah dastuurka.

Dastuurka waxyaabaha laga bedelay waxaa ka mid ah qodobka la xiriiray in dalku yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Waxaa kale oo la bedelay arrinta xisbiyada oo hore u ahayd laba xisbi soo jeedinta madasha, waxaana hadda laga dhigay saddex xisbi.

Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in soo jeedintii xildhibaanada iyo dareenka siyaasiiinta ay wax ka bedeshay qodobada qaar.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayuu u warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Qaar ka mid ah qodobadii wax ka beddelka dastuurka oo laga laabtay