Washington —
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa maalmahan magacaabayey qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda.
Qaarkood ayaa durbaba laga dayriyay firkadahooda siyaasadeed ee ku adag dadka soo-galootiga ah.
Dadka ka walaacsan siyaasadda socdaalka ee Trump ayaa waxaa ka mid ah muhaajiriinta Soomaalida ee aanan sharciga haysan.
Arrimahaasi ayaa Cabdulqaadir Maxamed Mursal uu ka wareystay,Farxaan Jeyte oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga.
Farxaan oo ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaan ku wareysanay istudiyaha VOA-da ee magaaladan Washington oo uu nagu soo booqday.
Your browser doesn’t support HTML5