Qaramada Midoobay oo 'guul' ku tilmaantay ku biirista Soomaaliya ee EAC

Xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC, iyaga oo ku tilmaamay 'guul kale oo u soo hoyatay wadadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka.'

"Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu hambalyaynaysaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya ku biiritaanka rasmiga ah ee dalkoodu uu ku biireen Bulshada Bariga Afrika." ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay barta rasmiga ah ee X ee xaafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaaliya.

"Waa guul kale oo u soo hoyatay waddadii ay Soomaaliya dib ugu soo noqon lahayd meeqaamkeedii saxda ahaa ee beesha caalamka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka deriska la ah. Hambalyo!' ayuu raaciyay bayaaka Qarmada Midoobay.

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo shalay ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.