Qarax ka Dhacay Dhuusamareeb

  • VOA Somali

Qarax is-miidaamin ah ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale oo dhawaanahan booqanayay deeggaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Ugu yaraan 5 qof oo ay ku jiraan xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo xildhibaan C/weli sheekh Max'uud ayaa ku dhintay qaraxa.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira ilaa 3 xildhibaan iyo siyaasiga Axmed Cabdisalaam Xaaji Aden.

R/wasaaraha DKMG, Prof. C/weli Max'ed Cali ayaa canbaareeyay qaraxan oo uu sheegay inay ka danbeeyaan kooxda Al-Shabaab.

Qeybta hoose ka dhageyso, wareysiga Xildhibaan ka bad-baaday qaraxa iyo waliba wareysiga R/wasaare C/weli Gaas.