Rabshadaha Ethiopia Oo Galay Bishii Labaad

Dibadbaxyada Oromada (Sawir hore)

Bekele Gerba, oo ah hoggaamiyaha kooxda mucaaradka ah ee Oromo Federal Congress, ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay geeriyoodeen 75 qof.

Rabshadaha ka socda gobolka Oromada ee dallka Ethiopia ayaa galay bishii labaad. Dadka Oromada ah ayaa waxa ay diidan yihiin qorshe la doonayo in magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa lagu ballaariyo dhulka ay degaan.

Iskuulada ayaa la xiray, goobaha ganacsigana dhowaan un baa dib loo furay kadib toddobaad ay xiranaayeen. Waxaa weli xiisad ay ka jirtaa magaalada yar ee Ginchi, oo 80 KM galbeed kaga beegan magaalada Addis-Ababa.

Booliiska ayaa jooga waddooyinka waa weyn, waxaana VOA ay wareysiyo ka qaaday dad codsaday in magacyadooda la qariyo.

Qof goob jooge ayaa sheegtay in inkasta oo maqaayadaha ay furan yihiin, haddana xaaladda aysan weli caadi kusoo noqon.

Waxa ay sheegtay inuusan jirin Bandow rasmi ah, hase yeeshee dadka da’da yar ay ka cabsanayaan in la iska xir xiro haddii ay banaanka u baxaan habeenkii.

Rabshadahii ugu dambeeyey ee Ginchi ayaa dhacay dhammaadka toddobaadkii tagay, waxaana ay shacbku sheegeen in ciidamada ammaanka ay dileen saddex qof.

Bekele Gerba, oo ah hoggaamiyaha kooxda mucaaradka ah ee Oromo Federal Congress, ayaa sheegay in dadka Oromada ah loola dhaqmo si aan caddaalad ahayn oo ka duwan dadka kale ee Ethiopia.

Waxa uu sheegay in 75 qof la dilay tan iyo markii ay rabshadaha billowdeen, islamarkaana xubno badan oo xisbigiisa ka mid ah xabsiga la dhigay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Getachew Reda ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada ammaanka ay aad isku xakameynayaan, inkasta oo rabshadaha ay ka tan badiyeen.