Rigathi Gachagua oo sheegay in uu wajahayo halis amni

Madaxweyne ku-xigeenka xilka laga xayuubiyay ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ciidankii ilaalinayay lagala laabtay, waxa uuna ka digay in wax kasta oo ku dhaca uu mas’uul ka noqonayo madaxweyne William Ruto.

Gachagua ayaa xilka waayey kadib markii mooshin xil ka xayuubin ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamanka, islamarkaana uu ku guul-darreystay in maxkamadda sare ay joojiso.

Juma Majanga ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa noo haya.

Your browser doesn’t support HTML5

Rigathi Gachagua oo sheegay in uu wajahayo halis amni