Muqdisho —
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreysay sheegay inuusan u taagnayn xilka madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan la filaayo in loo tartamo.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu leeyahay hami siyaasadeed balse xilligan uusan u tartamayn xilka madaxweynaha, isaga oo xusay in daruufaha ka jira dalka darteed uu go'aankaas qaatay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankan ku sheegay farriin ku saabsan hambalyada ciidda oo uu u diray shacabka Soomaliyeed.
Warbiixntan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Your browser doesn’t support HTML5