Ruto oo ka laabtay sharcigii maaliyadda ee xiisadda dhaliyey

William Ruto

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay inuu ka noqonayo sharcigii maaliyadda iyo canshuuraha ee muranka badan ka dhaliyay Kenya, ee sababay dibad baxyo Talaadadii dab lagu qabadsiiyay dhismaha xarunta baarlamanka.

Khudbad uu galabta telefishinka uga jeediyay shacabka ayuu madaxweyne Ruto ku yiri “waxaa cadaatay in dadka Kenya aysan sharcigan ogoleyn sida daraadeedna uusan saxiixeyn.”

Ugu yaraan 22 ayaa lagu dilay dibad baxyada shalay, sida ay sheegtay hey’adda Xuquuqda Aadanaha ee Kenya, ayada oo dad kale oo badanna ay dhaawacmene.

Wariyaha VOA-da Intisaar Saalax Xuseen ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Ruto oo ka laabtay sharcigii maaliyadda ee xiisadda dhaliyey