Safiirka Maraykanka ee waddanka Ruushka, John Sullivan, ayaa soo afjaray shaqadii dilomasiyadeed ku dhawaad saddex sano oo uu la shaqeeyay maamullada Trump iyo Biden, Axaddii, waxaana uu ka fariisan doonaa shaqo dheer oo uu ka hayay dowladda Mareykanka, sida ay sheegta safaaradda Moscow.
Bixitaankiisa ayaa imanaya iyadoo uu dagaalka Ruushku la galayo Ukraine uu socdo bishii toddobaad.
40 sanadood oo uu ahaa shaqaale dowladeed, waxaa jagooyinkii uu Sullivan soo qabtay ka mid ahaa xilalka ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda iyo xilalka sare ee waaxyaha cadaaladda, difaaca iyo ganacsiga.
Elizbeth Rood, oo ah ku xigeenka safaaradda Mareykanka ee Ruushka ayaa noqon doonta diblomaasiyadda ugu sareysa ee Mareykanka ee Moscow ilaa qofkii bedeli lahaa Sullivan uu soo magacaabay madaxweyne Joe Biden.
Maalintii Sabtida ahayd, Sullivan wuxuu Moscow uga qeyb galay aas loo sameeyay madaxweynihii hore ee Soofiyetka Mikhail Gorbachev, oo geeriyooday Talaadadii.
Bixitaanka Sullivan ayaaa sidoo kale imaanaya iyadoo xaaladda xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu wali yahay mid kacsan, iyada oo Mareykanku cunaqateynno isdaba joog ah kusoo rogay Ruushka, halka dhinaca kale uu balaayiin doollar oo gargaar militari ah ugu deeqay Ukraine.
AP.