Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Beled-Xaawo, halkaasoo tan iyo todobaadkii hore dagaallo culus ku dhexmarayeen ciidanka dowladda iyo kooxda al-Shabaab.
Wasiirka gaashaan-dhigga ee dowladda KMG ah Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Muqdisho ka sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen degmadaasi u dhow xuduudda Kenya.
Weli ma kala cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladdu kula wareegeen degmada Beled-Xaawo.
Sheeq Isxaaq Xuseen Mursal oo sheegtay inuu yahay taliyaha gaadiidka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa VOA u sheegay, in xaaladda degmadu ay xasiloon tahay ayna ka saareen maleeshiyadii haysatay ee al-Shabaab.
Sheekh Isxaaq ayaa intaa ku daray in gaadiid kuwa dagaalka kaga qabsadeen dagaalkaasi kooxda al-Shabaab.
Balse ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadiisa.