Shaqo la'aanta iyo maandooriyaha oo dhibaato ku haya dhallinyarada Muqdisho

Muqdisho

Shaqo la'aanta iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa dhibaato weyn ah dhallinyarada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay daraasado kala duwan, oo sanadkaan gudahiisa loogu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Colaadaha ka jira dalka ayaa inta badan ay daruufahaasi qasbeen in da'yar badan looga faa'iideysto, kuwaas oo qeyb ka noqda falal amni darro, oo ka dhaca meelo ka mid ah Soomaaliya.

Si arrimahaasi xal loogu helo, waxaa sanadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka shaqeynayay madal dhallinyaro aqoonyahan ah ay sameeyeen oo lagu magacaabo GOBSOOR, oo da'yarta ka wacyi-gelisa maandooriyaha iyo in ay ku dhacaan falal halis ku ah naftooda.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa la kulmay Cabdifitaax Baashi oo loo yaqaanno Xawaari oo ah Guddoomiyaha madashaasi, waxa uuna weydiiyay shaqada ay ka hayaan Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Shaqo la'aanta iyo maandooriyaha oo dhibaato ku haya dhallinyarada Muqdisho