Shir usoo dhammaaday Soomaalida iyo madaxda gobolka Ontario

Soomaalida Ontario

Shir saddex maalin socday, oo ay ka qeyb galeen hoggaamiyeyaasha bulshada magaalooyinka gobolka Ontario oo kuwa Soomaalida ay ka mid yihiin, ayaa galabnimadii Axadda lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay ururka Workers Action Center, oo u dooda xuquuqda shaqaalaha gobolka Ontario, kaasoo ay hoos tagaan in ka badan 1.5 milyan oo shaqaale.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Abuukaate Cabdullaahi Barre Wool oo ka mid ah madaxda ururka soo qaban-qaabiyay shirka, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa uu ku saabsanaa shirka iyo cidda ka qeyb gashay?

Your browser doesn’t support HTML5

Shir usoo dhammaaday Soomaalida iyo madaxda gobolka Ontario