Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo la sheegay inuu dhowr jeer u baaqday khilaafka iyo mugdi ka dhex-jira dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa ka wada qeyb-galaya dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa warbixintan diyaariyey Maxamed Colaad Xasan.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka Golaha Wadatashiga oo ka furmay Muqdisho