Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dowlad-dhiska iyo doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka dalka.
Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Axmed Madoobe ayaa shirka ka baxay ku dhowaad saddex toddobaad ka hor, taasi oo horseeday in la hakiyo, kadib markii ay isaga iyo madaxda dowladda federaalka isku qabteen qodobka doorashada.
Sida aan ka soo xiganaya ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, wixii markaas ka dambeeyey waxaa socday dadaallo loogu qancinayo madaxweynaha Jubaland inuu shirka ku soo laabto, kuwaas oo aan miro dhalin.
Madaxda dowladda federaalka ayaa doonaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa dooday in doorasho toos ah ay u baahan tahay muddo kordhin la sameeyo. Waxaa la filayaa in Jubaland ay toddobaadyo gudahood ku qabato doorasho aan toos aheyn.
Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaan in muddo ahba ka qeyb-galeyn shirarka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii uu billowday khilaafka kala dhaxeeyey dowladda federaalka waxyar un kadib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.
Muqdisho —