Shirka tamarta Afrika oo ka socda Cape Town

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa waxaa ka socda shirka toddobaadka Tamarta Afrika. Shirkan ayaa looga hadalayaa sidii loo dhiiri gelin lahaa maalgelinta tamarta iy dar-dar gelinta heshiisyada kobcinta iskaashiga iyo horumarinta mashaariicda tamarta ee Africa.

Shirakan ayaa sanadkan ku soo aadaya iyadoo malaayiin qof Africa ay ku nool yihiin koronto la'aan, Turkigana uu ka wado Soomaaliya sahminta shidaal si uu marka dambana u soo saaro.

Shirkan waxaa ka qeyb galay ganacsato Soomaaliyeed oo ka ganacsada shidaalka, oo lagu casuumay waxaa ka mid ahaa Naafic Maxamed Cumar oo ka ganacsada shidaalka fadhigiisuna yahay dalka Koonfur Sudan.

Maxamed Colaad Xassan ayaa weydiiyay waxa shirkan uu ku saabsanaa.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka tamarta Afrika oo ka socda Cape Town