Jigjiga —
Wararka ka imanaya dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid, shir ballaaran oo la filayey inuu maanta ka furmo magaalada Jigjiga, kaas oo la filayey in wax la iskaga weydiiyo arrimo khuseeya mabaadi’da guud ee dowlad deegaanka iyo weliba xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Ethiopia.
Shirkan ayaa u baaqday ka dib tabashooyin kala duwan oo ka yimi axsaabta siyaasadda iyo qurbe-joogta ka qaybgeli lahaa shirkan.
Haddaba weriyaha VOA ee magaalada Jigjiga Maxamed Cabdiraxmaan Ugaas Gaataa, ayaa warbixintan ku eegaya shir jaraa’id oo ay qabteen guddida qabanqaabada ee shirkan.
Your browser doesn’t support HTML5