Sidee maanta u codeynayaan Soomaalida Mareykanka?

Malaayiin cod-bixiyayaal ah ayaa maanta oo Talaado ah codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxweynaha Mareykanka, si ay u go’aamiyaan in midkood madaxweyne ku-xigeenka dalkan Kamala Harris oo dimoqraadi ah, ama madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah uu noqo madaxweynaha dalkan afarta sano ee soo socota.

Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay xarumaha cod-bixinta badankood, inkastoo gobolada Mareykanku ay waqti ahaan kala duwan yihiin, waxaan halkan idin kula wadaageynaa sida looga codeynayo qaar ka mid ah magaalooyinka

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio waxaa ka codeynaya Soomaali badan. Goob ka mid ah goobaha Codbixinta waxaa ku suggan wariyaha VOA-da Cabdikaafi Yuusuf Aaden.

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga codeynayo Columbus, Ohio

Sidoo kale magaalada Arlington ee gobolka Virginia ee duleedka Washington, waxaa tegay wariyaha VOA-da Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Sida looga codeynayo Arlington, Virginia?

Isla gobolka Virginia wariyeheena Sahra Cabdi Axmed ayaa haatan ku suggan mid ka mid ah goobaha cod-bixinta ee magaalada Falls Chuch ee gobolka Virginia.

Your browser doesn’t support HTML5

Sidee looga codeeyey magaalada Arlington ee gobolka Virginia?