Siyaasi Hindi ah oo teleefishin lagu hor toogtay

  • Ismail Mohamed

Wararka ka imaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay siyaasi hore u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, iyada oo la toogtay xilli uu si toosa uga soo muuqanayey teleefishan.

Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale toogashada ku dishay xildhibaanka walaalkiis.

Caatiq iyo walaalkiis ayaa xilliga la toogtay ku jiray gacanta booliska, waxaana ku xidhnaa katiinad. Ciidanka booliska ayaa u waday goob caafimaad si baadhitaan loogu sameeyo, hase ahaatee waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday saddex nin oo hubaysan.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in dablayda weerarka geysatay ay isu soo ekaysiiyeen saxafiyiin.

Labada walaalaha ah ayaa daqiiqado gudahood u dhintay toogashadaas. Ciidamada booliska ee gobolka Uttar Pradesh ayaa gacanta ku dhigay dablayda weerarka geysatay.

Maalmo ka hor intaan la toogan Caatiq Axmed, ciidamada booliska ayaa toogasho ku dilay wiil uu dhalay.

Siyaasigan la dilay ayaa lagu soo oogay dhawr dacwadood oo ka mid yihiin afduub, dil iyo baad. Iyada oo horraantii sannadkan lagu xukumay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay kiis afduub ah.