Maxamed Xaaji Aadam oo siyaasi reer Puntland ah ayaa maanta laga qabtay meel u dhow degmada qardho, loona soo gudbiyey dhinaca Garowe
Maamulka Puntland ayaa xiray Siyaasiga Maxamed Xaaji Aadan Xili uu ku sugnaa agga Deeganka Qardho.
Goobjogayaal ayaa VOA u sheegay in Maxamed Xaaji Adan ay Qabteen Ciidamo watay gadiid Dagaal loona Maleynayo Kuwa Nabadsugidda kuwaasoo u soo Gudbiyay Magaalada garoowe.
Maxamed Xaaji aadan ayaa Mudooyinkii ugu dambaysay Dhaliil dhanka maamulka iyo amaanka u soo jeedinayey Maamulka Puntland ee Iminka Talada haya.