Gen. Galaal: Diyaar baan u ahay dagaal

  • Abdulaziz Osman

Gen Galaal

Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay inuu khibradiisa ciidan uu ku biirinayo dagaalka ururka Ahlu-Sunnah uu kula jiro ururka Al-shabaab.

Gen. Galaal oo haatan ku sugan Guriceel ayaa VOA-da u sheegay inuu halkaasi u joogo sidii uu khibradiisa ciidan ugu biiran lahaa ururka Ahlu-Sunnah dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab. Gen Galaal wuxuu sheegay inay waajib tahay in dagaal lala galo Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay urur halis ku ah ammaanka dalka Somalia.

Gen. Maxamed Nuur Galaal, wuxuu beeniyay inuu ka mid yahay siyaasiyiin la sheegay inay ka danbeeyaan isku xirka iyo xiriirka u dhaxeeya ururka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaacah iyo Ethiopia. balse Generaalku wuxuu yiri "Mararka qaarkood laba kala mabda' ah waa suurtogal inay dagaal wada gali karaan oo iska caabin karaa wax ka daran sidii dhacday dagaalkii labaad ee aduunka."

General Galaal, mar uu ka hadlayay xiriirka Ahlu-Sunnah Wal-Jamaacah iyo dowladda KMG, wuxuu sheegay inay labaduba leeyihiin cadow isku mid ah oo ay u eg yihiin kuwo isbahaysi uu ka dhaxeeyo.

Wareysiga Gen. Maxamed Nuur Galaal qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.