Somaliland oo eedeo u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh

Xasan Sheekh

Xafiiska ergayga gaarka ah ee Somaliland ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya inay fasiraad khalad ah ka bixisay is-afgaradka ay Somaliland la gashay Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay inay been tahay sheegashada Soomaaliya ee lahaanshaha Somaliland, oo Somaliland tahay dal madax-bannaan oo aan marna ka mid noqonin maamullada federaalka ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaas.

Somaliland ayaa ku sheegtay war-saxaafadeedka inay been tahay in Somaliland ay u baahan tahay oggolaanshaha Soomaaliya inay heshiisyo gasho, waxayna lagu sheegay war-saxaafadeedka in Somaliland ay horey u gashay heshiisyo caalami ah iyo kuwo laba geesood ahba.

Dhinaca kalena, wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee Somaliland Siciid Xasan Habane ayaa VOA uga waramayey bannaanbaxo shalay ka dhacay Boorama iyo qodobo kale oo ku saabsan is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya gaareen.

Waxa uu magaalada Hargaysa ugu waramay weriyahayaga Xamse Cali Jeesto.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland oo eedeo u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh