In ka badan hal milyan oo qof oo diiwaan gashan ayaa maanta u dareeray codeynta doorashada madaxtinimada ee Somaliland.
Doorashadan oo laba sano dib uga dhacday xilligii la filayay ayaa ku soo aadeysa xilli xiisad ay ka dhex oogan tahay Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo ka dhalatay heshiis is-afgarad oo ay gaareen Hargeysa iyo Addis-Ababa.
Sidoo kale waxay ku soo beegmeysaa iyadoo magaalada Laascanood iyo magaalooyin kale oo hoos yimaada maamulka SSC Khaatumo oo doorashooyinkii hore ay ka dhici jireen ay ka madax banaanyihiin Somaliland.
Dadweyne fara badan ayaa la arkayay maanta iyagoo safaf ku jira si ay codkooda u dhiibtaan, qaar badan oo ka mid ah ayaa sheegay inay doonayaan dhaqaale xooggan iyo shaqooyin.
Warbixin ku saabsan doorashada waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakulle.
Your browser doesn’t support HTML5