Donald Trump ayaa Talaadadii la soo dhaafay ku guuleystay tartanka doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024.
Madaxweynaha dooran ayaa inti uu ololaha ku jiray wacad ku maray in uu dalka ka masaafurin doono malaayiin qof oo si sharci darro ah dalka ku soo galay iyo muhaajiriint aanan dukumintiyada heysan, haddii uu xafiiska yimaado.
Arrintaasi ayaa walwal ku abuurtay Soomaali badan oo aanan haysan sharciga dal ku jooga, kuwaas oo intooda badan ku nool Minnesota.
Haddaba, sidee ayey Golaha Sharci-dajinta Minnesota iyo Guddoomiyaha Gobolkaba uga falcelin doonaan haddii ay arrintaasi dhacdo? Nuur Xassan Nuur ayaa arrintaasi ka wareystay xildhibaan Samakab Hussein oo ka mid ah Golaha Sharci-dajinta ee gobolka Minnesota.
Your browser doesn’t support HTML5