Mainz —
Magaalada Mainz ee dalka Jarmalka, oo dhacda galbeedka magaalada Frankfort, ayey jaaliyadda Soomaalida ee magaaladaas iyo nawaaxigeedu markii ugu horreysay iibsanayaan Masaajid hore ijaar ugu ahaa.
Jarmalku waxa uu ka mid yahay waddamada Galbeedka ee Jaaliyadda Muslimiinta oo Soomaalidu ka mid tahay ee Yurub ay ugu badan yihiin.
Sheekh Cabdiqani Xoosh Barre, oo ah iimaamka Masaajidka Abuu-Bakar ee noqonaya kii ay Soomaalida Jarmalku yaalato ee u horreeyey, ayaa uga warramay Wariyaha VOA ee Qaaradda Yurub Cabdixafid Cawil Ismaaciil.
Your browser doesn’t support HTML5