Soomaaliya ayaa maanta filanaysa in laga cafiyo balaayiin dollar oo dayn ah oo ay ku lahaayeen waddamo iyo hay’ado maaliyadeed oo caalamka ah.
Guddiga maamula Bankiga Adduunka ayaa shalay ansixiyey dayn cafiska Soomaaliya, maantana waxaa la filayaa inay hay’adda IMF ansixiso.
Magaalada Washington waxaa jooga wafdi Soomaaliya ka socda oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddaba tallaabadan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhinaca kalena, tallaabadan taariikhiga ah ee Soomaaliya u horseedaya cafinta daymaha waddanku galay tobannaan sano ka hor waxaan ka waraysanay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson oo ku sugan Washington DC.
Waraysigan waxaa soo jeedinaysa Falastiine Axmed Iimaan
Your browser doesn’t support HTML5