Soomaaliya ayaa galabta si rasmi ah u saxiixday Axdiga ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee ay dhawaan ku biirtay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa heshiiska ka mid noqoshada dalladan ku saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Uganda.
Soomaaliya ayaa noqotay dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.
Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan soo jeedinaya.
Your browser doesn’t support HTML5
Soomaaliya oo saxiixday axdiga ka mid noqoshada ururka EAC