Kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al-Hilal ayaa dib u magacawday tababaraheedii hore Jorge Jesus oo u dhashay waddanka Portugal, isagoo qalinka ku duugay heshiis hal sano ah, sida ay Sabtidii sheegtay kooxda horyaalka Saudi Pro League.
Tababarihii hore ee Benfica, Jesus oo kasoo dhaqaajiyay kooxda Turkiga ee Fenerbahce ayaa horay u soo maamulay kooxda Al-Hilal xilli ciyaareedkii 2018-19 markaas oo uu ku hoggaamiyay koobka Super Cup-ka Sacuudiga oo ay ka badiyeen kooxda ay xifaaltamaan ee Al-Itixaad kulankiisii ugu horeeyay.
Xilli ciyaareedkii 2022-23 waxa uu ku guuleystay koobka Turkiga, isagoo Fenerbahce ku hoggaamiyay koobkoodii ugu horeeyay muddo sagaal sano ah. Waxa ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee horyaalka Turkiga.
Al-Hilaal ayaa ku dhammeystay kaalinta seddexaad ee horyaalka 2022-23 iyaga oo ka dambeeya kooxda heysata horyaalka Al-Itixaad iyo Al-Nassr oo kaalinta labaad gashay.
Reuters.