Toban qof oo isku qoys ah oo lagu dilay Pakistan

Booliska Khyber Paktunkhwa

Toban qof oo isku qoys ah, oo uu ku jiro laba jir, ayaa lagu dilay weerar arxan darro ah oo xilli dambe oo habeen ah ka dhacay waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan, waxaa sidaas Arbacadii sheegay booliska.

Laba nin oo walaalo ah, xaasaskooda iyo lix caruur ah oo da’doodu tahay 12 iyo ka yar, iyo qof marti u ahaa ayaa lagu dilay degmada Lakki Marwat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa habeenkii Talaadada.

"Baaritaanka hourhdac ah ma soo jeedinayo inuu la xiriiro argagixisanimo," ayuu taliyaha booliiska degmada Tariq Habib u sheegay AFP.

Khilaafaadka qoysaska ayaa ku badan Pakistan, laakiin gobolka waqooyi-galbeed -- halkaas oo bulshooyinku u hoggaansamaan xeerarka sharafta dhaqanka – waxay noqon karaan kuwa rabshado leh, oo sii jira qarniyaal.

"Meesha kama saari karno suurta-galnimada naceyb shaqsiyeed, anaga oo weli wadna baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdada," ayuu sarkaal boolis Mamoor Shah u sheegay AFP.

“Waxaa lagu dilay hub seef ah, qaarkoodna waxaa ku yaallay dhaawacyo xabbad,” ayuu yiri.

Dhacdada ayaa waxaa booliska kusoo wargeliyey deriska qoyska.
Bishii March ee sanadkii tagtay, isla gobolkaas, 11 qof oo uu ku jiro siyaasi caan ka ah deegaanka, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu eedeeyey khilaaf ka dhaxeeyey laba qoys.

Sidoo kale, 16 qof ayaa daqiiqado gudahood lagu dilay isla gobolkaas bishii May ee tagtay markii laba qoys uu ka qarxay dagaal salka ku haya muran dhuleed soo jiray tobanaan sano.

AFP