Atlanta —
Magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ee dalkan Mareykanka waxaa todobaadkan ka dhacay tartamo isugu jiray kubadda cagta iyo kubadda kolayga oo ay ka qeyb galeen kooxo ka kala socday Soomaalida Waqooyiga America.
Tartankan oo sanad walba la qabto ayaa waxaa qaban qaabiyeyaashu ay sheegeen inay uga dan leeyihiin is-dhexgalka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-aragga cayaartooydii cuslaatay oo qaarkood u soo cayaaray xulkii qaranka Soomaaliya iyo kooxihii heerka 1-aad ee Soomaaliya.
Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan ka diyaariyay.
Your browser doesn’t support HTML5