Washington —
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ballanqaaday cashuur kordhin ballaaran haddii dib loogu doorto xilka mar labaad.
Trump ayaa ballan qaaday in cashuur dhan 20% la saari doono dhammaan badeecadaha laga keeno dibadda iyada oo 60% la saari doono badeecadaha ka imanaya Shiinaha.
Trump ayaa ku doodaya in qorshahan uu kaalin weyn ka qaadan karo abuurista shaqooyin cusub, hoos u dhigista daynta qaran, iyo kordhinta dakhliga dowladda ee adeegyadda guud, sida xannaanada carruurta.
Si kastaba ha ahaatee, badankood dhaqaaleyahannadu waxay aaminsan yihiin in shacabka Mareykanka ay bixin doonaan kharashka sare ee badeecadaha.
Warbixin ay VOA arrintan ka diyaarisay waxaa inoo soo koobaya Xuseen Barre.
Your browser doesn’t support HTML5