Washington —
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in uu doonayo in sarkaal hore oo ka tirsanaa Waaxda Ammaanka Qaranka, isla-markaana ah nin Trump daacad u ah, Kash Patel in uu noqdo Agaasimaha hay'adda FBI-da.
Hadalkan ayaa ka dhigan in Trump uu doonayo in uu beddelo Agaasimaha hadda ee FIB-da Christopher Wray, oo isaga uu magacaabay muddo xileedkiisa hore ee madaxweynenimo.
Warbixin ay qortay Reuters waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Your browser doesn’t support HTML5