Trump oo Rubio u magacaabaya Xoghayaha Arrimaha Dibedda

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu u magacaabo Senetor-ka gobolka Florida Marco Rubio inuu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda, waxaa sidaas habeenkii Isniinta weriyey wargeyska New York Times.

Waxa ay soo xigatay saddex qof oo sheegay in go’aanku aanu ahayn mid kama dambays ah, balse Trump uu u muuqdo in uu ku saldhigtay Rubio, oo ahaa nin daacad u ah oo uu Trump la dhaafay xilka ku-xigeenkiisa madaxweyne.

Rubio ayaa si joogta ah loogu sheegayey toddobaadkii tegay inuu yahay mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee hogaaminta diblomaasiyadda Mareykanka, isaga oo uu weheliyo safiirkii hore ee Jarmalka, Ric Grenell.

Waxa uu noqon doonaa naqshadeeye muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibedda Trump ee “Mareykanka Kow”, iyadoo Trump uu ballanqaaday inuu soo afjarayo dagaallada ka socda Ukraine iyo Bariga Dhexe oo uu ka fogaado in militariga Mareykanka ay dagaal ku lug yeeshaan.

Magacaabista Rubio, oo ah nin aaminsan siyaadaha adag ee dagaal, asal ahaanna qoyskiisa kasoo jeedaan Cuba, ayaa ka dhiggan isbeddel weyn oo ku yimid xiriirkiisa Trump.

Sannadkii 2016, markii ay u tartamayeen magacaabista madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga, Rubio waxa uu Trump ugu yeeray "khiyaanoole" iyo "qofka ugu dhaqanka xun ee abid u hanqal taaga madaxtinimada."

Trump ayaa isna wuxuu Rubio ku liiday oo uu ugu yeeray “Little Marco” isaga oo ku sheegay mid dhidida ama soo marsada walxaha la isku qurxiyo marka uu ka soo muuqanayo taleefishinka.

Rubio ayaa markii ugu horeysay ku caan baxay siyaasad arrimo dibad, oo uu aad uga soo horjeeda Cuba iyo xulufadeeda bidixda ee Latin America, gaar ahaan Venezuela.

Waxa uu kadib noqday mid ka mid ah Senatarrada sida aadka ah uga soo horjeeda Beijing, isaga oo u arka China mid khatar weyn ku ah danaha Mareykanka.

Rubio oo magaalada Miami ugu dhashay qoys Cuban ah, waxa uu 1993-kii shahaadada cilmiga siyaasadda ka qaatay Jaamacadda Florida.

Waxaa markii ugu horreysay Senate-ka Mareykanka loo doortay 2010, ayada oo ololihiisa uu taageero xooggan ka helay Tea Party oo aheyd koox midig-fog oo ka dhex sameysantay Xisbiga Jamhuuiga kadib markii Barack Obama loo doortay madaxweynaha Mareykanka.