UNICEF: Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag

Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba'an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay'adda UNICEF Talaadadii shalay.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag.

Lisa Schlein ayaa warbixintan ka soo dirtay Geneva, waxaa soo jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Your browser doesn’t support HTML5

UNICEF: Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag