Waa kuma Haashim Safi Al-Diin - Ninka beddeli kara Nasrallah?

Hashem Safieddine. (Photo by ANWAR AMRO / AFP)

Haashim Safi Al-Diin, oo ah ninka beddeli kara Hassan Nasrallah, hoggaamiyihii ay ilmo habreedka ahaayeen ee Xizbullah, waa mid ka mid ah xubnaha ugu caansan Xizbullah, wuxuuna xiriir dhow la leeyahay dalka taageera kooxda ee Iran.

Haashim Safi Al-Diin waxa uu muuqaal ahaan aad u shabahaa Nasarallah, hase yeeshee dhowr sano ayuu ka yahay. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 50 dhammaad ama 60 horraad.

Ilo-wareedyo ku dhow Xizbullah, oo codsaday inaan la magacaabin maadaama aan loo ogoleyn in ay la hadlaan warbaahinta, ayaa sheegay in Haashim uu yahay “musharaxa ay u badan tahay inuu qabto xilka sare ee kooxda.

Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa Haashim, oo xubin ka ah Golaha Shuurada ee gaara go’aanada Xizbullah, ku daray liiskooda "argagixisada" 2017.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku qeexda “hoggaamiye sare” oo ka tirsan Xizbullah iyo “xubin muhiim ah” oo ka mid ah fulinteeda.

Inkasta oo hoggaamiye ku-xigeenka Xizbullah Naim Qassem uu islamarkiiba la wareegayo hoggaanka kadib geerida Nasrallah, haddana Golaha Shuurada ayey qasab tahay in ay kulmaan oo ay doortaan xoghaye guud oo cusub.

Haashim wuxuu xiriir xooggan la leeyahay Iran kadib markii uu waxbarasho diineed ku soo qaatay magaalada barakeysan ee Qom.

Wiilkiisa waxa uu qabaa gabadha Jeneral Qassem Soleimani, taliyihii howlgallada dibdda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo 2020 lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyey Ciraaq.

Haashim Safi Al-Diin waxa uu wataa darajada Sayyed iyo qamiiska madow, si la mid ah Nasrallah, taasi oo lagu muujiyo inuu faraciisa galo qoyska Nebi Muxamed Calayhi Salaam, sida Shiicadu qabto.

Si ka duwan Nasrallah, oo muddo sanado ah ku noolaa dhuumaaleysi, Haashim ayaa si furan uga soo muuqanayey dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa diineed.

- Musharaxa ugu xooggan -

Isaga oo caadiyan ah ah nin aad u degan, haddana wuxuu hadal aad u kulul ka jeediyey tacsiyadii dagaal-yahanno ka tirsan Xizbullah oo ku geeriyooday dagaalka sanadka ku dhow ka socda xuduudda ee ay kula jiraan Israel.

Amal Saad, oo ah cilmi-baare ku takhasustay Xizbullah oo ka tirsan Jaamacadda Cardif, ayaa sheegtay in muddo sanado ah, ay dadka sheegayeen in Haashim Safi Al-Diin uu yahay “midka ay ugu badan tahay inuu beddelo” Nasrallah.

"Hogaamiyaha xiga waa inuu ka tirsan yahay Golaha Shuurada, oo ka kooban xubno aad u yar, waana inuu noqdaa qof diinta yaqaan," ayay tiri.

Haashim "waxa uu leeyahay awood badan...waa musharaxa ugu xooggan," ayay raacisay.

Xizbullah waxaa lagu aas-aasay hindisaha Ilaalada Kacaanka Iran, waxayna magaceeda “Muqaawamada” ku heshay in ay la dagaalameysa ciidamada Israel ee hyastay Koonfurta Lubnaan illaa 2000.

Dhaq-dhaqaaqa ayaa la aas-aasay intii uu socday dagaalka sokeeye ee Lubnaan kadib markii Israel ay go’doomisay caasimadda Beirut 1982-kii.

Bishii Luulyo, khudbad uu ka jeediyay xaafadaha duleedka koonfureed ee Beirut, Haashim wuxuu qeexay sida ay Xizbullah u aragto beddelka hoggaankeeda.

"Iska caabinteena... markii hoggaamiye kasta uu shahiido, mid kale ayaa calanka qaata oo sii wada, isaga oo leh go'aan cusub, hubaal ah, oo adag," ayuu yiri.