Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo shalay ka dhacday Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.